Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka dalka Turkiga ee Soomaaliya

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş, oo booqasho sharafeed ku yimid.

Intii uu socday kulanka, labada mas’uul waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah. Waxaa sidoo kale diiradda la saaray sidii loo sii horumarin lahaa iskaashiga dhinacyada badan leh, iyadoo la isla gartay in la dardar geliyo wadashaqeynta ku dhisan danaha labada shacab.

Kulanka ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Salaadda Jimcaha kula oogay boqolaal shacab ah Masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha.

Muqdisho, Jannaayo 09, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...