Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Qatar 

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya, Dr. Abdullah bin Salem Al Nuaimi, oo booqasho sharafeed ku yimid.

Intii lagu guda jiray kulanka, labada mas’uul waxa ay diiradda saareen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan, iyagoo ka wada hadlay sidii looga miro dhalin lahaa danaha ay wadaagaan labada dal iyo sidii loo abuuri lahaa fursado hor leh oo iskaashi.

Wasiir Cabdisalaan ayaa uga mahadceliyay dowladda Qatar taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, gargaarka bini’aadantinimo, iyo dadaallada nabadeynta dalka.

Dhankiisa, Safiir Dr. Abdullah bin Salem Al Nuaimi ayaa hoosta ka xariiqay sida ay dowladda Qatar uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee kala dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo xusay in Qatar ay sii wadi doonto ka qeybqaadashada dib-u-dhiska iyo horumarka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...