Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo la kulmay Wefdi ka socda Midowga Yurub

Date:

Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Abukaate Axmed Ciise Guutaale, ayaa maanta kulan isbarasho iyo soo dhaweyn ah ku qaabilay magaalada Muqdisho wefdi ka socday Midowga Yurub, oo uu hoggaaminayay Agaasimaha cusub ee Mashruuca Kaalmada Farsamo ee Horumarinta Isla-xisaabtanka Maaliyadeed (EU SFA), Menno Jan van der Ven.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta istiraatiijiyadeed ee u dhaxaysa Xafiiska Hantidhowraha Guud iyo Midowga Yurub, gaar ahaan dhinacyada la xiriira isla-xisaabtanka, daahfurnaanta iyo horumarinta dowlad wanaagga.

Abukaate Guutaale ayaa wefdiga la wadaagay dedaallada Xafiiska ee ku aaddan horumarinta hay’adnimada iyo guulaha laga gaaray iyadoo la kaashanayo Mashruuca EU SFA. Wefdigu waxa ay sidoo kale kormeereen qaybo muhiim ah oo ka tirsan Xafiiska Hantidhowraha Guud, si ay u fahmaan hannaanka shaqo iyo mudnaanta qorsheyaasha hortebinta leh.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga Dalka oo fashiliyay weerar Khawaarijta kusoo qadeen Wargaadhi.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada deegaanka, ayaa fashiliyey...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing.

1- The Federal Republic of Somalia expressed thankfulness to...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday.

1- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa mahadnaq ballaaran u jeedisay...

Ciidanka Qaranka oo 29 Khawaarij ah ku dileen howlgal ay ka fuliyeen Shabeellaha Dhexe.

Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa xalay...