Wasiirka Warfaafinta oo tababar ku saabsan tabinta Doorashooyinka u furay suxufiyiin ka socda qeybaha Warbaahinta

Date:

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qaban qaabisay Aqoon Isweydaarsi ku saabsan Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka dalka oo ay ka qeyb gelayaan ilaa 25 weriyayaal ah oo ka kala socda Warbaahinta Gaarka loo leeyahay iyo Warbaahinta Qaranka.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo Aqoon Isweydaarsiga furay ayaa sheegay in ahmiyaddu tahay kor u qaadista doorka Warbaahinta ee tabinta Doorashooyinka, iyada marwalba Saxaafadda Tabintooda ku dhisaysa dhismaha kalsoonida dadweynaha, sugnaan, daah furnaan iyo u sinnaanta dhinacyada doorashada.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa kula dardaarmay Wariyayaasha ka qeyb galaya tababarkan iyo guud ahaan Warbaahinta in ay saaran tahay mas’uuliyad oo la xiriirta jiheynta dadweynaha iyo ilaalinta dhismaha nabadda marwalba gaar ahaan xilligani oo lagu jiro marxalad dowladdu gacanna kula dagaalamayso khawaarijta, gacanna ku gudanaysa waajibka ka saaran in dadweynaha doortaan cidda maamulaysa.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa sharxay ujeedada Tababarkan oo Wasaaradda Warfaafinta uu ka taageeray Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay in diiradda la saarayo xoojinta Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka.

Tababarkan ayaa soconayaa laba maalmood waxaa uu diiradda saarayaa xoojinta fahamka Warbaahinta ee kaalintooda baahinta Doorashooyinka waxaana bixinaya khubarro ku xeeldheer Saxaafadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...