Danjiraha Soomaaliya ee Kenya oo la qeyb galay Kalfadhiga Golaha Sare ee UN-Habitat ee Nairobi

Date:

Golaha Sare ee maamulka Hay’adda UN Habitat (Executive Board of Directors) ayaa kalfadhigooda ugu horeeya ee sanadkan ku yeeshay xarunta Hay’adda ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Danjiraha dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya, Danjire Jabril Ibraahim Cabdulle, oo ah wakiilka joogtada ah ee Soomaaliya ee Hay’adda UN-Habitat, ayaa ka qeybgalay kalfadhigan looga hadlayay hufnaanta dadaallada horumarineed ee ku saabsan horumarinta magaalooyinka dunida, oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay. Danjiruhu wuxuu ka hadlay istaraatijiyadda ay dowlada kula tacaaleyso caqabadaha haysta dadka barakacayaasha ah, kobcinta magaalooyinka iyo horumarinta dowladaha hoose.

“Soomaaliya waxa ay ku baaqeysaa in la xoojiyo qorshayaasha hor-tabinta u leh ee ku aadan horumarinta magaalooyinka, gaar ahaan mashaariicda Hay’adda ay ka waddo dalkeena, waxaana ku boorineynaa in la kordhiyo kaalmada farsamo, si guryo loogu dhiso qoysaska barakacayaasha ah,” ayuu yiri Danjire Jabril.

Danjiraha ayaa sidoo kale iftiimiyay muhiimadda ay leedahay horumarinta magaalooyinka oo loo dhan yahay, gaar ahaan deegaannada ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha.

Danjiraha ayaa xusay in Soomaaliya oo ku tiirsan tahay taageerada Hay’addaha caalamiga ah ay taageereyso baaqa maalgelinta aas-aasiga ah ee Hay’adda UN-Habitat si loo hirgeliyo mashaariicyo la xiriira horumarinta magaalooyinka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...