Muddada Is-diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda ee Dalka oo la lordhiyay 

Date:

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikarim Axmed Xasan, ayaa ku dhawaaqay in muddo dheeri ah oo 21 cisho ah lagu daray muddadii loogu talagalay in ururrada siyaasadda ay isku soo diiwaan galiyaan.

Mudane Cabdikarim Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta guddiga ayaa sheegay in muddadii hore ee la siiyay ururrada, oo ahayd ilaa 31 Maarso, ay ururradu codsadeen in lagu daro muddo 21 cisho ah, iyadoo lagu jiro bil cibaado, taas oo la aqbaleen.

Soomaaliya ayaa si weyn isu diyaarineysa in doorasho qof iyo cod ah ay ka dhacdo mustaqbalka dhow, taas oo bulshada kala duwan ee dalka iyo guud ahaan beesha caalamka ay si weyn usoo dhoweeyeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...