Muddada Is-diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda ee Dalka oo la lordhiyay 

Date:

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikarim Axmed Xasan, ayaa ku dhawaaqay in muddo dheeri ah oo 21 cisho ah lagu daray muddadii loogu talagalay in ururrada siyaasadda ay isku soo diiwaan galiyaan.

Mudane Cabdikarim Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta guddiga ayaa sheegay in muddadii hore ee la siiyay ururrada, oo ahayd ilaa 31 Maarso, ay ururradu codsadeen in lagu daro muddo 21 cisho ah, iyadoo lagu jiro bil cibaado, taas oo la aqbaleen.

Soomaaliya ayaa si weyn isu diyaarineysa in doorasho qof iyo cod ah ay ka dhacdo mustaqbalka dhow, taas oo bulshada kala duwan ee dalka iyo guud ahaan beesha caalamka ay si weyn usoo dhoweeyeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo la kulmay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdullahi...

WARSAXAAFADEED: Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka (GMDHD)

Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (GMDHD),...

Ciidamada amniga oo Khaarijiyay horjooge ka tirsan Khawaarijta

Taliska La-dagaalanka Argagixisada ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ka...

Xoghayaha cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo xilka la wareegay

Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xilka...