Askari lagu xukumay dil toogasho ah

Date:

Xukunka Askari u gacan qaaday Walaashiis soo korisay ka dibna dilay Taliye koox.

Xuseen Xasan Maxamuud Macda oo ka tirsan Ururka 214-aad Guutada 21-aad Qeybta 27-aad ee Ciidanka Dhulka XDS ayaa lagu soo eedeeyay dilka Marxuum S/le Shaafici Maxamed Xaanshi Cali oo ahaa Taliye Koox.

Dilka ayaa yimid ka dib markii Xuseen uu u awood sheegtay walaashiis soo korisay. Wiil ay dhashay walaashiis ayaa qeylo dhaan ugu tagay Ciidamada Boliis Military ee waajibka ka lahaa Xaafadda Al-cadaala Ee Dagmada Heliwaa, si loo joojiyo Eedeysane Macda oo walaashiis ka weyn u gacan qaadaya.

Marxuum S/le Shaafici Maxamed Xaanshi Cali iyo Seddex askari oo uu watay ayaa u dhaqaaqay Joojinta eedeysanaha, Isagoona Eedeysanaha ka dalbaday in uu ku Wareejiyo qoriga.

Xuseen oo ka biya diiday in uu wareejiyo qoriga ayaa baas ooda kaga qaaday Marxuumka, waana Toban iyo Todobadii Bishii November ee sanadkii tagay.

Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Sideed iyo Tobankii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Ex Dable Xoogga Xuseen Xasan Maxamuud Macda dil toogasho oo ah Qisaasta marxuum Ex S/le Xoogga Shaafici Maxamed Xaanshi Cali.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Dhexe Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska oo kaarka codeynta ka qaadatay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda...

Wasiirka Isgaarsiinta oo daah-furay Madasha Saddexaad ee Amniga Cyber-ka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallin...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...