Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Serbiya 

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Axmed Macallim Fiqi oo khadka Telefoonka kula hadlay Wasiirka Arimaha Dibadda Jamhuuriyadda Serbia Danjire Marko Djuric ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal.

“Soomaaliya iyo Serbia ayaa xiriirkooda saaxiibtinimo waxa uu gaarayaa muddo 65 sano ah, waxaan xoojin doonnaa, korna u qaadi doonnaa xiriirkeenna wadaagga ah oo muddadaa fog jiray” ayuu yiri Danjire Axmed Fiqi Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Danjire Marko Djuric Wasiirka Arrimaha Dibada Serbia ayaa boogaadiyay horumarka dhanka Diblomaasiyadda iyo Siyaasadda ee dhexdhexaad ka ah ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ka qaadato danaha is diidan ee yaala Golayaasha Caalamka.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibada Serbia ayaa ballan qaaday in ay dowladdiisu taageero la garab taagan tahay dowladda Soomaaliya.

Mar walba Soomaaliya waxay noo tahay saaxiib gaar ah, waxaan rumeysannahay in aan wax badan wada-qabsan karo” ayuu yiri Marko Djuric.

Ugu dambeyn, labada Wasiir ayaa isla gartay in booqashooyin rasmi ah isweydaarsadaan, si loo ballaariyo fursadaha jira si looga wada faa’iideysto arrimaha dhaqaalaha, amniga iyo Tiknoolajidda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaasare kuxigeenka Dalka oo saaka qaatay Kaarka Cod-bixinta Doorashada

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed...

Wasiirka beeraha iyo wasiirka shaqada iyo shaqaalaha ayaa kormeer ku tegay degmada Hawlwadaag oo ay ka socoto kaar qaybinta

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Xil. Maxamed Cabdi...

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka XFS oo xalay la caweeyey bulshadda, kuna boorriyay ka qeybgalka doorashada

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Serbia

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan...