Guddiga madax bannaan ee doorashooyinka oo shahaado guddoonsiiyay ururka midowga Soomaaliya

Date:

Guddiga Madaxa Bannaan ee doorashooyinka Qaranka iyo soohdimaha ayaa maanta shahaadada rasmiga ee Ururnimo Gudoonsiiyey Ururka 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 oo soo buuxiyey shurudihii looga baahnaa.

Kulanka shahaadada lagu gudoonsiinyey Ururka ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Guddoomiyaha Guddiga, Mudane Abdikarim Ahmed Hassan, Gudoomiye ku-xigeenka, Mudane 𝐒𝐚𝐚𝐝𝐢𝐪 𝐀𝐛𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐆𝐚𝐫𝐚𝐚𝐝 iyo qaar ka mid ah Xubnaha GMDQS.

Diiwaanhayaha Guddiga Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐮𝐦𝐚𝐫 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 Xaydara oo ugu horeyn ka hadlay kulanka ayaa sharaxaad ka bixiyey Ururka Cusub ee 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 iyo hab-raacyadii uu soo maray.

Dhanka kale Guddoomiyaha Ururka Midowga Soomaaliya Dr. 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐃𝐞𝐞𝐪 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐤𝐡 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 oo gudoomay shahaadada ayaa Guddiga ku amaanay shaqada wanagsan ee uu u haayo umadda Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo shahaadada Gudoonsiyey ururka ayaa sheegay in Ururka midowga Soomaaliya maanta la gudoonsiiyey shahaadada Rasmiga ah ee Ururnimo, Ururro kalena ay soo dhameystiri doonaan shuruudaha looga baahanyahay oo ay wadada ku soo jiraan. Gudoomiye Cabdikariim ayaa sheegay in Dalka uu aaday Doorasho Qof iyo Cod ah si xor iyo Xalaal ahna loogu tartami doona.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

SoDMA oo furimaha hore ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe u dirtay dhaqaatiir

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA),ayaa furimaha gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Serbiya 

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Hantidhowraha Guud ee JFS oo ka qeybgalayo Shirweynaha Maareynta Deymaha Caalamiga ah ee QM

Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Ciise Guutaale,...

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka oo daah-furay qalabka diiwaangelinta cod-bixiyaha

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane...