R/W ku-xigeenka Labaad oo dhagax-dhigay Suuq Xoolaha lagu iibin doono ee Baydhabo

Date:

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Mudane Abdisalaan Abdi Ali Dhaay oo ay wehliyaan Wasiirka Xanaanada Xoolaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eeley, Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed (DKGS) Mudane Sandheere Maxamed Iftiin, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Raisul Wasaaraha, iyo madax kale oo ka socotay hay’adda Save, ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay dhismaha suuqa lagu iibiyo xoolaha ee magaalada Baydhabo.

Dhismahan suuqa lagu iibiyo xoolaha ee Baydhabo, oo qayb ka ah qorsheyaasha horumarineed ee xukuumadda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada, waxaa loogu talagalay in uu xoojiyo dhaqaalaha gobolka iyo guud ahaan dalka, gaar ahaan dhinaca xoolaha. Suuqu wuxuu noqon doonaa goob muhiim ah oo lagu xoojinayo ganacsiga xoolaha, maadaama Baydhabo ay tahay mid ka mid ah meelaha ugu waaweyn ee lagu dhaqdo xoolaha Soomaaliya.

Mudane Abdisalaan Dhaay, Raisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, ayaa ka hadlay muhiimadda suuqa xoolaha ee Baydhabo, isagoo sheegay in dhismaha suuqa uu qeyb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka, isla markaana uu suurto gelin doono in xoolaha laga iibiyo si habsami leh, taasoo ka dhigan horumarinta ganacsiga iyo la dagaalanka shaqo la’aanta iyo faqriga.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eeley ayaa sidoo kale tilmaamay in suuqa cusub uu qeyb ka noqon doono dadaallada lagu taageerayo xoolo-dhaqatada, waxaana uu xusay in suuqu kaalin weyn ka qaadan doono xoojinta nidaamka suuq-geynta xoolaha ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

DF oo shacabka Soomaaliyeed ku wargelisay inuu dalka galayo marxalad Doorasho loo dhan yahay

Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa maanta...

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...