Wasiirka Batroolka XFS oo ka qeyb galay Carwada Shidaalka ee Wadamada Bariga Afrika 

Date:

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dahir Shire Maxamed, ayaa ka qeybgalay Carwada 11-aad ee Shidaalka Wadamada ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika, oo lagu qabtay magaalada Dar es Salaam, Tanzania. Wafdiga waxaa sidoo kale ka mid ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Mohamed Hashi Carabeey, iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Tanzania iyo EAC, Mudane Ilyas Ali Hassan.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta kheyraadka shidaalka iyo iskaashiga dhinaca tamarta ee wadamada Bariga Afrika, iyadoo xoogga la saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo wadamada gobolka, gaar ahaan dhinacyada horumarinta iyo maalgashiga kheyraadka dabiiciga ah sida shidaalka iyo macdanta.

Mudane Dahir Shire Maxamed ayaa inta uu socday shirweynaha, la wadaagay ka qeybgalayaasha fursadaha iyo caqabadaha maalgashiga shidaalka ee Soomaaliya. Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay leedahay fursado badan oo dhinaca tamarta ah, kuwaas oo u baahan maalgelin iyo iskaashi caalami ah si loo horumariyo.

Shirkan oo halku-dhiggiisu ahaa “Furitaanka Maalgelinta Shidaalka iyo Gaaska Mustaqbalka” ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii wadamada ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika ay u abuuri lahaayeen iskaashi adag oo ku saabsan shidaalka iyo gaska, iyadoo la isdhaafsanayo waayo-aragnimo iyo aqoon kororsi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Jaamacadda Ummadda iyo Jaamacadda Ruwaanda oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo dhinacyada waxbarashada

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) iyo Jaamacadda Ruwaanda (University of...

TALIYAHA CIIDANKA XDS OO SHIR GUDDOOMIYAY SHIRKA SUBAXLAHA EE TALISKA GUUD EE CIIDANKA

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...

Safiirka JFS ee Dalka Liibiya oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Liibiya, Mudane Cabdifataax...

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Jowhar Casho Sharaf ugu Sameeyay Saxafiyiinta iyo Hobollada Qaranka Waaberi

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe),...