Agaasimaha Guud ee HSJ oo kulan la qaatay Safiirka Dowladda Sweden 

Date:

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Duhulow, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya, Danjire Joachim Waern.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta labada dhinac, gaar ahaan isku xirka hay’adaha socdaalka iyo jinsiyadda ee labada dal, wadaagista khibradaha iyo xogaha la xiriira socdaalka, iyo horumarinta aqoonta saraakiisha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Agaasimaha Guud ayaa ugu horrayn uga tacsiyeeyay safiirka dhacdadii argagaxa lahayd ee ka dhacday dugsi ku yaalla Sweden, taas oo ay ku dhinteen ku dhawaad 10 qof, isagoo muujiyay dareen-wadaagga ay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda la leedahay dowladda iyo shacabka Sweden.

Danjire Joachim Waern ayaa uga mahadceliyay Agaasimaha Guud tacsida iyo soo dhaweynta diirran, isagoo hoosta ka xariiqay sida Dowladda Sweden uga go’an tahay xoojinta iskaashiga ay la leedahay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda , isaga oo caddeeyay in Sweden ay sii wadayso dadaallada ay ku taageerayso horumarinta adeegyada socdaalka iyo jinsiyadda ee Soomaaliya, isla markaana ay muhiim tahay in la sii ambaqaado dadaallada lagu xoojinayo xiriirka labada dal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...