Guddoomiyaha BJFS oo saxiixay Buugga tacsida Marxuum Ugaas Cabdi-Daahir Ugaas Nuur

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa ka qeyb galay gogosha tacsida ee Allaha ha u naxriistee Ugaas Cabdi-Daahir Ugaas Nuur, oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.Guddoomiyaha ayaa dhamaan ehelka, qaraabada, iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida marxuumka.

Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa si gaar ah uga tacsiyadeeyay geerida Ugaas Cabdi-Daahir Ugaas Nuur, oo ka mid ahaa hogaamiyeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee muhiimka u ahaa nabadda iyo horumarka dalka. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in geerida marxuumka ay tahay mid naxdin leh, isla markaana ay ummadda Soomaaliyeed ka maqantahay hoggaamiye dhaqameed mudan in la xuso, kaas oo ku suntanaa jacaylka dalkiisa iyo u-dadaalka dib-u-heshiisiinta iyo midnimada dadka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale saxiixay buugga tacsida ee Allaha ha u naxriistee Ugaas Cabdi-Daahir Ugaas Nuur, isagoo muujiyay tacsiyadiisa iyo salaamihiisa qoyska marxuumka iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed. Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in geeridiisa ay ka dhigan tahay lumin weyn oo ku timaaday dhaqanka iyo nabadda bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyntii ducada u diray marxuumka, isaga oo Ilaah uga baryay in uu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, ehelka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed-na samir iyo iimaan ka siiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...