Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay Madax ka socota hay’adda UNOPS

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa maanta aqalka dowladda hoose ee Xamar kulan kula qaatay madaxda hay’adda UNOPS, Hydra Nova, iyo madaxda xafiiska Bangiga Adduunka ee u qaabilsan Mashruuca Nagaad, kaas oo lagu horumarinayo kaabayaasha Muqdisho.

Kulankaas, hay’adda UNOPS, Hydra Nova, iyo Agaasimaha howlaha guud ayaa soo bandhigay warbixin dhameystiran oo ku saabsan sahminta iyo daraasadaha laga soo sameeyay sidii xal waara loogu heli lahaa biya-mareenada Muqdisho. Waxa kale oo la soo bandhigay qorsheyaasha dhameystirka naqshadda biya-mareennada (Masterplan for Trunk Drainages), oo lixdan cisho gudahooda lagu soo dhameystirayo, iyo qorshaha lagu dhisayo waddooyin cusub oo laami ah, heshiisyada dhismihiisana bartamaha bisha February la saxiixi doono.

Mudane Maxamed Axmed Amiir, Duqa Muqdisho, ayaa si xooggan ugu nuux-nuuxsaday muhiimada ay leedahay dar-dargelinta qorshaha lagu dhisayo biya-mareennada caasimadda, si xal waara looga helo dhibaatooyinka biyo-maalinta ee soo wajaha Muqdisho xilliga roobaadka. Waxa uu sidoo kale faray madaxda howlaha guud iyo hay’adaha ku lugta leh in si degdeg ah loo bilaabo dhisamaha biya-mareennada magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa xusay in mashruucan uu muhiim u yahay sidii looga hortagi lahaa fatahaadaha biyaha ee caasimadda iyo sidii loo dhisi lahaa kaabayaasha lagama maarmaanka u ah horumarinta magaalada Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...