Wasiir Cali Xoosh oo gaaray Jowhar

Date:

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali -Xoosh ayaa maanta safar shaqo ku gaaray xarunta Hirshabeele ee Jowhar.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshebeelle Mudane Cabdi Daahir Guure, Duqa Jowhar Mudane Cismaan Beerreey, odayaasha dhaqanka, haweenka iyo dhalinyarada ayaa Wasiir Xoosh kusoo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Xildhibaan Cali Xoosh ayaa intaa kadib kulan la qaatay madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Wasiir Cali Xoosh ayaa uga mahadceliyay soo dhawaynta Madaxwayaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo guud ahaan reer bulshada Hirshabeelle.

Wasiir Xoosh ayaa inta uu joogo halkaasi waxaa uu kulamo la yeelan doonaa hoggaanka siyaasadda, shaqanka iyo qeybaha bulshada ee Hirshabelle.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo wada-tashi diblomaasiyadeed la yeeshay amiirka dowladda Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha JFS oo wada-tashiyo baahsan oo diblomaasiyadeed la yeeshay madaxda Bariga iyo geeska Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka hawlaha guud ee XFS oo si adag uga hadlay go’aanka ay Israa’iil ku sheegtay inay dowlad ahaan u aqoonsatay Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka...