Soomaaliya iyo Afrikada dhexe oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta kula kulmay magaalada New York, Zรฉnon Ngay Mukongo, Ergeyga Joogtada ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Koongo u qaabbilsan Qaramada Midoobey.

Labada masโ€™uul ayaa wada hadlay sare-u-qaadidda xiriirka labo dhinaclaha iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal, iyo sidoo kale horumarka siyaasadeed iyo amni ee Afrikada dhexe.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarray kor-u-qaadidda xiriirka dhaqaale, dhowridda midnimada dhuleed iyo qarannimo ee labada dal ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Koongo, iyadoo la isla soo hadal-qaaday muhiimadda ay leedahay in caqabadaha gobolka lagu xalliyo aragti Afrikaanku leeyihiin iyo xaqiijinta bedqabka iyo ammaanka ganacsatada Soomaaliyeed ee beec-mushtarka ku leh DRC, loona fududeeyo habraacyada, iyadoo la ilaalinayo naftooda iyo danahooda maaliyadeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...