Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan la yeeshay Madaxa Bankiga Adduunka

Date:

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka cimilada Soomaaliya Midane Bashiir Maxamed Jaamac iyo Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa kulan la qaatay Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Marwo Kristina Svensson.

Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay xoojinta wada shaqeynta labada dhinac, Maalgelinta mashaariicda la xiriira horumarinta Deegaanka iyo isbadalka cimilada, la qabsiga iyo adkeysiga bulshada Soomaaliyeed.

Shirka waxaa la isla gartay dardargelinta Barnaamiyada horumarineed ee uu Bankiga ka wado dalkeenna ee loo yaqaan CCDR iyo taageeridda Wasaaradda ee arrimaha la xiriira dhanka sameynta sharuucda, siyaasaddaha iyo tayaynta shaqaalaha Wasaaradda.

Kulanka waxaa Safiirka iyo Wasiirka ku wehlinayay qaar ka mid ah Madaxda Wasaaradda Deegaanka, kaasi oo guul ku soo dhamaaday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Ammaanka oo Degmada Cabdicasiis ka wada howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah

Ciidamada ammaanka ayaa ku guda jira howlgal lagu ururinayo...

Danjiraha Soomaaliya ee Geneva oo Ka Qaybgalaya Doodaha Heerka Sare ee Shirweynaha Shaqaalaha Caalamiga ah.

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Xarunta Qaramada Midoobay...

Tianjin magaalo kulmisay taariikhda iyo tiknoolajiyada mustaqbalka ee Shiinaha

Tianjin, Shiinaha – Magaalada Tianjin ayaa maanta loo aqoonsan...

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali...