Wasiir Fiqi oo ka Guddoomay Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub ee Suudaan

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Suudaan Mudane Abdurahman Khalil Ahmed Abakr.

Kulanka dhinacyadaasi ayaa la iskula soo hadal-qaaday xoojmta xiriirka labada dal iyo sare-u-qaadidda iskaashiga lagama maarmaanka u ah labada dowladood. .

Wasirka ayaa xusay in Soomaaliya ay ka go’antahay xoojinta xiriirka labo geesoodka ee kala dhexeeya Suudaan,isagoo boogaadiyay waxqabadka iyo guulaha ballaaran ee ay ku tallaabsadeen dowladda dalkaasi.

Wasiir Axmed Fiqi waxa uu u rajeeyay Danjire Abdurahman Abakr inuu horumar ka sameeyo howlaha kala duwan ee horyaalla,wuxuuna dhinaca kale xusayna muhiimadda ay leedahay Suudaan oo mid ah,isla markaana ku jirta nabad iyo xasilooni.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo kormeeray goobaha la dejiyay xujeyda Soomaaliyeed

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee XFS Sheekh Mukhtaar...

Ururadii ka qeyb galay Doorashadii K/Galbeed oo isbaheysi siyaasadeed sameystay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan Maxamed...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Yeman

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan is xogwareysi ah la qaatay Agaasimaha Guud iyo Agaasimayaasha Waaxyaha

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Mudane...