Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga oo ka hadlay Barnaamijyada Maalgashiga ee Soomaaliya

Date:

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cismaan Daallo, ayaa ka qeybgalay Barnaamijka Todobaadka Warbaahinta Qaranka, isagoo ka hadlay qorsheyaasha iyo barnaamijyada maalgashiga ee socda. Wasiirku wuxuu sheegay in dowladda ay si xooggan u dhiirrigelisay maalgashiga gudaha iyo dibadda, isla markaana ay u abuurtay fursado ganacsi oo muhiim ah oo ay ganacsatada Soomaaliyeed, kuwa gudaha iyo dibadda ka yimaada, ka faa’iideystaan.

Mudane Cismaan Daallo ayaa tilmaamay in ay socdaan qorshayaal maalgashi oo ballaaran oo lagu xoojinayo dhaqaalaha dalka, waxaana dowladda ay ku howlan tahay inay dhisaan kaabayaasha dhaqaalaha iyo warshadaha, si loo abuuro jawi wanaagsan oo lagu dhiirrigelinayo maalgashiga. Wasiirku wuxuu sidoo kale sheegay in la siinayo fursado cusub ganacsatada si ay uga qayb qaataan horumarinta iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Wasiir Cismaan Daallo ayaa muujiyay in maalgashiga uu kaalin muhiim ah ka qaadanayo abuurista shaqooyin cusub, kobcinta dhaqaalaha dalka iyo kordhinta xiriirka ganacsi ee Soomaaliya la leedahay dalalka kale. Wuxuuna sidoo kale xusay in dowladda ay ku dadaalayso sidii loo xaqiijin lahaa nabadgelyo, kaabayaasha dhaqaalaha iyo taageerooyin loogu talagalay ganacsatada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka oo laga Daah-furay degmada Galcad

Maamulka iyo shacabka magaalada Masagawaay ee degmada Galcad ayaa...

Ololaha todobaadka dhir beerista oo ka billaawday xarumaha dowladda

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee JFS, Maxamed Cabdi...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo qaabilay Xildhibaan Faarax Macallin iyo wafdi la socday

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed...