SoDMA iyo WFP oo kawada hadlay arrimaha gar-gaarka dalka

Date:

-Guddoomiyaha hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka, mudane, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa xarunta dhexe ee hay’adda SoDMA ku soo dhaweeyay madaxa hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) ee Bariga Afrika mudane, Laurent Bukera.

Kulanka labada masuul ayaa si dhaw loogu falanqeeyay xaaladda bani’aadannimo ee dalka, sidii ay wada-shaqeyn dhow u yeelan lahaayeen hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka iyo abuuridda jawi u fududeenaya bahwadaagta howlaha gargaarka in ay waajibaadkooda si fudud u gutaan.

Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa ka codsaday Laurent Bukera oo booqashadiisu ku soo aaday xilli laga cabsi qabo natiijo taban oo ka dhalata abaarta in hay’adda WFP si dhaw ula shaqayso SoDMA iyo wasaaradaha Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka ee dowlad gobolleedyada.

Guddoomiyaha oo bogaadiyay xariirka shaqo ee ka dhaxeeya SoDMA iyo WFP, ayaa guud ahaan hay’adaha gargaarka iyo deeq-bixiyayaasha ugu baaqay in indhaha lagu hayo xaaladda abaareed ee dalka ka taagan

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Safiir Soomaaliya u magacowday Kirgistaan oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga

Danjire Fatxudiin Cali Ospite ayaa maanta si rasmi ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamarta 

Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhigii ugu Guddiga Fulina Hay’adda UN-Habitat

Kalfadhigii ugu horreeyay ee Guddiga Fulinta ee UN-Habitat ee...