R/WXamse ” Xukuumadda waxa ay waddaa qorshe lagu hormarinayo Waxbarashada dalka”

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay waddo qorshayaal lagu horumarinayo waxbarashada dalka, si ay ubadka Soomaaliyeed u helaan tacliin tayo sare leh.

Ra’iisul Wasaaraha oo caawa ka qeybgalay munaasabadda qalin jabinta arday dhameysatay barnaamijka daraasaadka sare ee Jaamacadda Muqdisho, ayaa tilmaamay in ay socdaan qorsheyaal lagu tayeynayo waxbarashada sare ee dalka iyo guud ahaan hey’addaha waxbarashada heer walba, si loo helo jiil aqoon iyo xirfad sare leh oo door muhiim ah ka qaata dib-u-dhiska iyo horumarka dalka.

“Xukuumaddu waxay baaris ku samaysay kadibna ay oggaatay in waxyaabaha waaweyn ee halista galiyey jiritaanka dalkeenna ay ka mid tahay argagixisada oo dhibaato ku ah amniga, nafta iyo maalka. Waxaa kale oo ka mid ah dhibaatooyinka jira aragtida gooni u goosatada, maadaama ay tahay mid gurracan oo halis galinaysa jiritaanka dalkeenna, iyo nugaylka dowladnimadda, waxaannu isla qaadanay in xalka laga raadiyo dadka wax-bartay oo aad qeyb ka tihiin”. Ayuu yiri Raiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mudane Xamsa, ayaa ugu hambalyeeyay ardayda qalin-jabisay dadaalka ay sameeyeen iyo guusha ay gaareen maanta, wuxuunna ku dhiirrigeliyay in ay aqoontooda ugu adeeggaan dalkooda, kuna dadaallaan hal-abuur cusub, isaga oo ku boorriyay in ay noqdaan kuwo kaalin mug leh ka geysta horumarka dalka iyo bulshada Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...