Dekadda Muqdisho oo yeelatay khad toos ah oo isku xiraya Soomaaliya iyo Shiinaha

Date:

-Dekadda Magaalada Muqdisho waxaa shalay si toos ah ugu soo xirtay markab u rarnaa ganacsato Soomaali ah oo kasoo shiraacday xeebaha dalka Shiinaha.

Maraakiibta ku soo xirata Dakadda Muqdisho ayaa soo mari jirtay dakadaha dalalka mandiqadda ka hor inta aysan imaan xeebaha Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda ganacsiga iyo Warshadaha XFS mudane, Cusmaan Maxamed Cabdi (Daalo) ayaa sheegay in khadka tooska ah ee ay haatan ka dib Maraakiibta ganacsi ku imanayaan dekedda Muqdisho ay tahay guul weyn oo la gaaray.

Wasiir Cusmaan Daalo oo ka hadlayay munaasabad lagu daah-furayay howlaha khadka tooska ah oo ay hormuud u tahay shirkadda Lamu Shipping Limited ayaa sheegay in ay tahay tallaabadani mid ku dayasho mudan, wuxuna xusay in looga baaqsanayo dhibaatadii ay ku qabi jireen ganacsatada Soomaaliyeed oo badeecaddooda sugi jiray muddo dheer.

Fowsi Nuur Axmed oo ka tirsan mas’uuliyiinta shirkadda Lamu Shipping Limited ayaa sheegay in qiimeyn ay ku sameeyeen kadib dekedahii ay kusoo hakin jireen ganacsiyadooda ay kaga wanaagsan tahay tan Muqdisho, wuxuuna ballan qaaday in shirkadaha kale ee caalamkana ay ku soo xiri doonaan dekedda Muqdisho.

Waa markii ugu horreysay burburkii ka dib Markab ganacsi oo ka soo shiraacda xeebaha dalka Shiinaha uu toos ugu soo xirto marsada Xamar, isagoo markii hore soo mari jiray dekedo ku yaalla bariga Afrika iyo dalalka Carbeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...