Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Banaadir oo tababar Aqoon korosi ah u furay qaar kamid ah Shaqaalaha gobolka

Date:

Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa daah-furay Tababar Aqoon kororsi oo sare loogu qaadaayo Aqoonta iyo Xirfada qaar ka mid ah howlwadeenada Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Xafiiska Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Ismaaciil Cali Sheekh Nuur iyo Agaasimaha shaqada iyo shaqaalaha Maamulka Gobolka.

Guddoomiye Ciise ayaa sheegay in ujeedka tababarkaan uu yahay sidii loo tayeyn lahaa xirfada shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar, si bulshada caasimadda ay u helaan adeeg tayo leh.

Howlwadeenada ayaa inta uu tababarka socdo waxa ay qaadan doonaan cashiro la xariira Maamul wanaaga, Anshaxa shaqada, Mas’uuliyadda Howlwadeenka, u qidmeynta Bulshada iyo dhowrista xuquuqda muwaadinka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...