Madaxa AUSSOM oo soo dhaweeyay War-murtiyeedka wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya

Date:

-Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa Hawlgalka AUSSOM, Ambassador Souef Mohamed El-Amine , ayaa soo dhaweeyay dib u soo laabashada xiriirkii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo dhawaan dib loo soo celiyay.

Danjire Souef ayaa heshiiskan ku tilmaamay mid muhiim ah oo hoosta ka xariiqaya dhaqan gelinta ballan qaadyadii Ankara. Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay inuu dib u soo cusboonaada xiriirka diblomaasiyadeed, xoojinta iskaashiga amniga, iyo isdhexgalka dhaqaale ee kobcinta nabadda, xasilloonida iyo barwaaqada gobolka.

Arrintan ayaa lagu sheegay war-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen 11-kii bishan, kaddib kulan ay wada qaateen madaxweynaha Soomaaliya mudane,Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Labada mas’uul ayaa ku heshiiyey inay dib u soo nooleeyaan metelaad diblomaasiyadeed oo buuxa si loo xoojiyo xiriirka labada dal,taa oo

loo arkaa tallaabo muhim ah oo loo qaaday dhanka dhisidda kalsoonida, kor u qaadista amniga, iyo horumarinta kobaca dhaqaalaha Geeska Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...