Hay’adda SoDMA oo shixnad gargaar ah gaariisay Guriceel

Date:

9 berri kadib waxaa xalay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud safar dhanka dhulka ah ku gaaray 25 gaari oo dhawaan Hay’adda SoDMA ay ka soo ambabixisay magaalada Muqdisho, kuwaas oo sida shixnad gargaar raashin mucaawino ah looguna talagalay dadka ay saameysay abaarta LaNina iyo bulshada ku nool deegaannadii khawaarijta laga xoreeyey ee gobolka Galgaduud, waxaana hore dalkeenna ugu deeqay dowladaha Turkiga iyo Shiinaha.

Degaannada Galmudug, gaar ahaan Gobolka Galgaduud, wuxuu qeyb ka yahay goobaha ay abaaruhu sida ba’an u saameeyeen, halkaas oo kumannaan shacab nugul ah ay ku wajahayaan nolol adag, hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo ka jawaabeysa baahida bulsho ee guud ahaan gobolka iyo goobaha laga xoreeyay argagixisada ayaa diyaarisay mucaawinadaan waxaana lagu wadaa in dadkii mudnaa la gaarsiiyo raashinkaan.

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug, hay’adda SoDMA iyo maamulka degmada Guriceel ayaa gaadiidkaan ku soo dhaweyay duleedka magalada.

Agaasimaha waaxda gargaarka SoDMA Sahro Cali Yuusuf ayaa xustay in garagarkaan loogu talagalay dadka ay abaartu saameysay.

Guddoomiyaha degmada Guriceel Faarax Fataate ayaa u mahadnaqay hay’adda SoDMA, isagoo ballan-qaaday in dadkii mudnaa ay gaarsiinayaan mucaawinadaan.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Galmudug Maxamed khaliif Salad oo lagu wareejiyay gargarkaan, ayna wehliyaan Wasiirka Waxbarashada Galmudug Maxamed Dhoore ,Xildhibaan Mursal Xeefow, iyo guddoomiyihii hore ee degmada Mataan Maxamed Dhoobeey ayaa u mahadnaqay hay’adda SoDMA.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska oo kaarka codeynta ka qaadatay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda...

Wasiirka Isgaarsiinta oo daah-furay Madasha Saddexaad ee Amniga Cyber-ka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallin...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...