Madaxa AUSSOM oo soo dhaweeyay War-murtiyeedka wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya

Date:

-Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa Hawlgalka AUSSOM, Ambassador Souef Mohamed El-Amine , ayaa soo dhaweeyay dib u soo laabashada xiriirkii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo dhawaan dib loo soo celiyay.

Danjire Souef ayaa heshiiskan ku tilmaamay mid muhiim ah oo hoosta ka xariiqaya dhaqan gelinta ballan qaadyadii Ankara. Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay inuu dib u soo cusboonaada xiriirka diblomaasiyadeed, xoojinta iskaashiga amniga, iyo isdhexgalka dhaqaale ee kobcinta nabadda, xasilloonida iyo barwaaqada gobolka.

Arrintan ayaa lagu sheegay war-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen 11-kii bishan, kaddib kulan ay wada qaateen madaxweynaha Soomaaliya mudane,Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Labada mas’uul ayaa ku heshiiyey inay dib u soo nooleeyaan metelaad diblomaasiyadeed oo buuxa si loo xoojiyo xiriirka labada dal,taa oo

loo arkaa tallaabo muhim ah oo loo qaaday dhanka dhisidda kalsoonida, kor u qaadista amniga, iyo horumarinta kobaca dhaqaalaha Geeska Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...