Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Date:

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur, ayaa booqasho shaqo ku jooga Magaalada Qaahira ee Caasimadda Masar, wuxuuna la kulmay dhiggiisa dalka Masar, General Abdul Majeed Saqr.

Kulanka labada mas’uul ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan iskaashiga militari iyo amniga ee labada dal. Waxaa sidoo kale la isla gartay sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo wada-shaqeynta u dhaxeysa Soomaaliya iyo Masar, gaar ahaan dhinacyada tababarada ciidanka, qalabka militari, iyo taageerada guud ee la siin karo Soomaaliya.

Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sidoo kale uga mahadceliyay dowladda Masar taageerada ay sii wadaan ee ku aaddan ammaanka iyo horumarka Soomaaliya. Kulankaan ayaa qeyb ka ah dadaallada xukuumadda Soomaaliya ee ku aaddan sidii loo xoojin lahaa xiriirka caalamiga ah iyo iskaashiga amni ee ay la leedahay waddamada gobolka iyo caalamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...