Safiirka Soomaaliya ee dalka Bakistaan oo kula la yeeshay Madaxweynaha Jaamacadda Islamabad

Date:

Safiirka Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheeknuur Maxamed Xasan, ayaa Dalka Bakistaan kulan kula yeeshay Madaxweynaha Jaamacadda Islaamka ee Islamabad Dr. Axmed Shuja Sayed, Kulankaas oo diiradda lagu saaray kor u qaadista iskaashiga tacliinta iyo taageerada ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Jaamacaddaas.

Safiirku wuxuu ku bogaadiyay madaxa Jamaacada doorka ay ka qaataan garab siinta arday Soomaaliyeed, isagoo xusay in Mas’uuliyiin badan oo xilal muhiim ah ka haya Soomaaliya ay ka qalin jabiyeen Jaamacadda.

Madaxweynaha Jaamacadda Dr. Axmed Shuja Sayed ayaa Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo warbixin ka siiyey dadaallada ay ku horumarinayaan adeegyada ardayda sida inay helaan dhismayaal u gaar ah ardayda ajaanibta ah.

Ugu dembayntii labada dhinac ayaa isku raacay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka tacliinta labada Dal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliska Xoogga Dalka oo dardargelinaya howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda gobolka Baay.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha shacabka oo la magacaabay

Guddoomiyaha Kmg ah ahna Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Hoggaamiyaha K/Galbeed oo xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil uu hoggaaminayo Taliyaha CXD

Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo magacaabay Afhayeenka Wasaaradda

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa Laba-Xiddigle...