Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub iyo Wasiirkii hore ee Batroolka iyo Macdanta

Date:

-Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ansixisey heshiisyo iyo shuruuc lagu tayeynayo awoodda hey’addaha dowlada, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay mubaasabad ay xilka kula kala wareegayeen Wasiirka cusub ee Wasaaradda Bartoolka iyo Macdanta Mudane Daahir Shire Maxamed iyo Wasiirkii hore Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ayaa xusay in Wasaaradda looga fadhiyo dhammaystirka qorshooyinka Xukuumadda DanQaran ee ku aaddan soo saarista shidaalka.

“Waxaan rabnaa in wasaaraddani dhabaha u xaarto sidii shacabka Soomaaliyeed loogu sameyn lahaa jiho dhaqaale oo sax ah, la iskuna lahayn karo, maadama uu dalkeennu burbursanaa mudo dheer, meeshana ay ka baxeen kaabayaashii muhiimka ahaa ee uu dalku lahaa”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Mudane Xamsa ayaa u mahad celiyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda sidii masuuliyadda lahayd ee uu ugu adeeggay Qaranka muddadii uu xilka hayey, waxa uuna Alle uga baryey Wasiirka cusub in uu u fududeeyo shaqada adag ee loo hortaalla.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda oo baaq nabadeed kasoo saartay Dilalka iyo Beegsiga ka dhacaya qeybo ka mid ah dalka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa baaq...

Horjooge katirsanaa khawaarijta oo lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay saraakiil ka socotay Ururka Dalxiiska Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada BFS oo kulan su’aalo–weydiin ah la yeeshay Wasiirka Caafimaadka

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka, ay hoggaamineysay...