Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daahfuray kulanka ansaxinta miisaaniyadda sanadka 2025

Date:

:-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa maanta daahfuray kulanka ansaxinta miisaaniyadda sanadka 2025 oo tiradeedu tahay 101,274,78 (Boqol iyo kow Milyan, Laba boqol Todobaatan iyo Kun 78 dollar) waxaana miisaaniyadan si gacan taag ah ku ansaxiyay 42-xubin , waxaa diiday 5-xubin halka ay ka aamuseen 9-xubin oo katirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Kulankan Ansaxinta Miisaaniyada ah oo ka dhacay aqalka Dowladda Hoose ee Xamar waxaa goob joog ka ahaa Gudoomiye ku-xigeenada Maamulka Banaadir, Agaasimayaal, Guddoomiyaasha ururada Haweenka iyo dhallinyarada Gobolka Banaadir iyo guddoomiyaasha degmooyinka, iyada oo goobta lagu soo bandhigay macluumaad dhameystiran oo la xariira heerarkii kala duwanaa oo ay soo martay miisaaniyada iyo horumarka laga sameeyay kobaca daqliga.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa warbaahinta la wadaagay tirada ansaxinta miisaaniyada ayaa ku amaanay howl wadeenada Maamulka Gobolka Banaadir Iyo Dowladda ee Xamar sida ay isaga xilsaareen kor u qaadista kobaca dhaqaalaha iyo diyaarinta miisaaniyada lagu howlgali doono sanadka 2025.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...