Ra’iisul Wasaare Xamsa oo furay Shirweynaha Ka Hortagga iyo la Dagaallanka Maalgelinta Argagixisada.

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in lacagta la siiyo argagixisada ay khatar ku tahay, diinta, amniga, bulshada iyo dowladnimada, isla markaana lagu dhiirigelinayo daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayey shirweynaha Iskaashiga Dowladda, Ganacsatada iyo Bulshada ee Qorshaha ka hortagga iyo ladagaallanka Maalgelinta Argagixisada, ayaa hoosta ka xarriiqay in si kasta oo loogu lug-yeelan karo maalgelinta kooxaha Khawaarijta ah, ay tahay danbi weyn oo lagu muddan karo in caddaaladda lala tiigsado ciddii lagu helo.

“ Waxaa la soo gaaray xilligii damiirkeennu shaqeyn lahaa, xilligii aan dullinimada ka bixi lahayn, Khawaarijta waa in aan iska celinaa, shacabkana waxaa laga rabaa in bannaanka loo soo baxo oo si dhab ah uga xorowno cadowga“.

Mudane Xamsa, ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in dowladda lagu taageero ciribtirka Khawaarijta iyo kuwa maalgeliya, isaga oo uga digay ganacsatada in cadowga ay ku taageeraan dhibaateynta dadka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...