Safiirka JFS Uganda oo kulan la qaadatay Odayaasha iyo Waxgaradka ku nool dalkaasi

Date:

Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda, Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa maanta kulan muhiim ah kula qaadatay Xarunta Safaaradda qaar ka mid ah Odayaasha iyo Waxgaradka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Kampala. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta iyo xiriirka u dhexeeya safaaradda iyo jaaliyadda.

Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa Odayaasha kulanka ka soo qayb galay u caddeysay in siyaasaddeeda cusub ee hoggaaminta safaaradda ay tahay mid ku saleysan cadaalad iyo sinnaan ay helaan dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed. Waxay sheegtay in aysan jiri doonin cid gaar ah oo safaaradda u xiran tahay ama cid kale oo laga xigsan karo, maadaama safaaraddu tahay xarun dowli ah oo loo wada siman yahay.

Sidoo kale Danjiraha ayaa xustay in safaaradda ay tahay goob qaran oo albaabadeeda u furan yihiin dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoona ku adkeysay inay diyaar u tahay inay u adeegto bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Uganda.

Dhankooda Odayaashii ka qeyb galay kulanka ayaa si diiran u soo dhaweeyay dadaalka safiiradda, iyagoo ballan qaaday inay si buuxda ula shaqeyn doonaan safaaradda si loo horumariyo danaha guud ee jaaliyadda Soomaaliyeed ee Uganda ku nool.

Kulankan ayaa bilow u ah kulamo ay safiiradda la yeelan doonto dhammaan qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Tamarta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lahusoo dhaweeyay Dhuusamareeb. 

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha...

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...