Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo isweydaarsanaya horumarinta arrimaha Awqaafta iyo Diiwaanka Sakada

Date:

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumada Jamhuuriyada Federaarlka Soomaaliya Eng. Abuukar Jeylaani Sheekh oo uu weheliyo agaasimaha guud ee Wasaaradda Ibrahim Adam Ibrahim (Nadaara) ayaa Magaalada Abu Dhabi ee Dalka isu tagga Imaaraadka Carabta kula kulmey mas’uulka ugu sareeya hay’adda guud ee arrimaha islaamka, awqaafta iyo Sakawaadka ee Dalkaasi Dr. Cumar Xabtoor iyo sidoo kale, agaasimaha guud ee hay’adda Dr. Axmed Al Niyaadi.

Waxayna mas,uuliyinta labada dhinac ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo sidii la isaga kaashan lahaa dhinacyada aqoon isweydaarsiga iyo tababarada ee la xiriira horumarinta Arrimaha Awqaafta iyo diiwaanka sakada.

Wafdiga Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumada Federaalka Soonmaaliya ayaa sidoo kale kulamo muhiim ah la qaatey imaamyada Soomaaliyeed ee ka howl gala Masaajidda Abuu Dhabi ee caasimada waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...