Xafiiska ku meel gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa soo saaray War saxaafadeed ku aadan Xadgudubka Jinsiga ee Somaaliya, waxaana lagu yiri War-saxaafadeedka โIyadoo la xusayo billowga 16-ka maalmood ee ololaha dhaq-dhaqaaqa sanadlaha ah ee caalamiga ah ee ka dhanka ah xad-gudubyada ku saleysan jinsiga, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa hoosta ka xarriiqday muhiimadda ay leedahay in maamullada Soomaaliyeed ay kordhiyaan maalgelinta dagaalka ka dhanka ah xadgudubyada jinsiga ku saleysan.
โWax ka qabashada xadgudubyada jinsiga ku saleysan waxay u baahan tahay maaliyad iyo agab dhaqaale iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo ilaalinta haweenka, carruurta, dadka naafada ah, iyo dadka laga tirada badan yahay ee ah kuwa ugu nugul xadgudubyada ku saleysan galmada iyo jinsiga,โ Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa saidaa yiri.
โQaramada Midoobay waxay sidoo kale ku baaqaysaa in la ansixiyo sharciga lagu ciqaabayo xad-gudubyada jinsiga ku saleysan si loogu hogaansamo waajibaadka caalamiga ah ee xuquuqul insaanka ee ay Soomaaliya horay ugu biirtay. Tani waxay xaqiijinaysaa in dadka dambiyada gala lala xisaabtamo, kuwa badbaadayna ay caddaalad helaan,โ ayuu raaciyay Md. Swan.
Hal ku dhigga caalamiga ah ee ololaha 16ka Maalmood ee sanadkan โ โay Qaramada Midoobay! Maalgeliya, si looga Hortago Xadgudubyada ka Dhanka ah Haweenka iyo Gabdhahaโ โ wuxuu muwaadiniinta ugu baaqayaa inay muujiyaan dadaalkooda, iyagoo la wadaagaya ficillada ay qaadayaan, si loo abuuro adduun ka caaggan xadgudubyada loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Ololuhu wuxuu kaloo ugu baaqayaa dowladaha Adduunka oo dhan in ay la wadaagaan sida ay u maalgelinayaan ka hortagga rabshadaha ku salaysan jinsiga.
Muddada 16-ka maalmood ah, QM ee Soomaaliya waxay la shaqayn doontaa dowladda iyo bulshada rayidka ah, si loo ifiyo baahida loo qabo joojinta xadgudubyada ku saleysan jinsiga, iyadoo xoogga la saarayo baahida loo qabo in la dardargeliyo hannaanka sharci-dejinta ee lagu soo saarayo baahida loo qabo in la dedejiyo hanaanka sharci dejinta lagu meelmarinayo sharciyo lagu ilaalinayo Haweenka iyo Gabdhaha. Qaramada Midoobay waxaa ka goโan inay ka caawiso Haweenka iyo Gabdhaha Soomaaliyeed inay gaaraan awooddooda buuxda oo ay ku noolaadaan nolol ka madax-bannaan rabshado nooc kasta ah.
Ololaha Dhaqdhaqaaqa 16ka Maalmood ee sanadlaha ah wuxuu billaawday 25kii Nofembar, Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Xadgudubyada ka dhanka ah Haweenka, wuxuuna soconayaa ilaa 10ka Diseembar ee sanadkan, Maalinta Xuquuqul Insaanka. Ololuhu waxay ujeedadiisu tahay in la kordhiyo wacyigelinta, la dhiirigeliyo dadaallada u doodista lana wadaago aqoonta si loo joojiyo xadgudubyada ka dhanka ah haweenkaโ.