Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qeybgalay xuska Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC)

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Safiirka Soomaaliya ee Tanzania, Danjire Ilyas Ali Hassan, ayaa hoggaamiyay ka-qaybgalka Soomaaliya ee xuska 25-guurada Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Xuska waxaa lagu soo bandhigay bandhig farshaxan oo heersare ah oo ay diyaarisay Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania, kaas oo soo jiitay ka-qaybgalayaasha kuna muujiyay dhaqanka hodanka ah ee Soomaaliya.

Soomaaliya waxay xoogga saareeysaa dadaalkeeda ku aaddan isku xirka gobolka iyo xoojinta xiriirka dhaqan ee u dhexeeya Ururka Bulshada Bariga Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale