Wasiirka Arrimaha Dibadda oo boggaadiyay ansixinta guddiga Doorashooyinka Qaranka

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in dalku u jiheystay wadadii Dimuqraadiyadda, isagoo u mahadceliyay Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ee maanta ansixiyay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

Fariinta Wasiirka Arrimaha Dibadda ee uu dhigay bartiisa Facebook halka hoose ka Akhriso:-

“Dalku wadadii Dimuqraadiyadda ayuu qaaday waxaana maantay albaabada Loo laabay iska daba-wareeggii, is addoonsigii, afduubkii, wax isdaba-marintii iyo hogaamiyaashii shisheeyuhu soo jiscimi jireen.

Barlamaanka Soomaaliya waa ku mahadsan yihiin talaabooyinkii isda-joogga ahaa ee ay ku ansixiyeen saddexdii sharci iyo guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha oo ay maantay ansixiyeen.

Culesysyo iyo xanuun ayay leedahay marka marxalad la soo caadaystey Laga gudbiyo oo Loo tallaabsanayo mid cusub, laakin wanaageeda waxaa la dareemi doonaa marka dadweynuhu si toos ah ay u soo doortaan madaxdooda iyo kuwa ku matalaya golayaasha barlamaanka heerarkoodu kala duwan”.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...