Dowladda Soomaaliya lo Saxiixday Heshiiska MAKA ee La-dagaallanka Musuq-maasuqa

Date:

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar ku saxiixay Heshiiska MAKA ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa oo ay wada saxiixeen dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka.

Heshiiskaan muhiimka ah, ayaa lagu xoojinayaa iskaashiga caalamiga ah ee lagula dagaallamayo musuqmaasuqa, iyadoo sidoo kale lagu dhiirrigelinayo isla-xisaabtanka, hufnaanta, iyo maamulka wanaagsan.

Mudane Xasan Macallin, ayaa sheegay in heshiiskaan ay caddeyn u yahay sida dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo horumarinta cadaaladda iyo hufnaanta hay’adaha dowliga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...