Wasiiru dowlaha Caafimaadka oo kulan la qaadatay xubno ka socda WHO

Date:

Wasiiur Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka XFS Drs; Maryama Maxamed Xuseen ayaa xafiiskeeda ku qaabbishay wafdi ka socday Ururka Caafimaadka Adduunka ee (WHO).

Wafdiga oo ka koobnaa Dr. Marina La-taliyaha Siyaasaddaha ee Caymiska Caafimaadka Dhammaystiran, Dr. Supriya La-taliyaha gobolka ee NTD-EMRO iyo Dr. Jamal Amaran ayaa kulankan diiradda lagu saaray horumarka caafimaadka Soomaaliya iyo qorshayaasha mustaqbalka ee la xiriira cudurada aan la daryeelin (NTD).

Kulankan ayay ujeedadisu ahayd mid diirada lagu saarayay xaaladaha caafimaadka ee dalka gaar ahaan sidii loo xakamayn lahaa cudurada aan la daryeelin intii lagu guda jiray kulanka ayaa lagu soo bandhigay xogo muhiim ah oo ku saabsan xaaladda caafimaadka ee gobolka iyagoo tusaale u soo qaatay guulaha la gaadhay iyo caqabadaha horyaalla sidoo kale muhiimada ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga caalamiga ah si loo gaaro himilooyinka caafimaad ee dalka.

Wasiir Dowlaha wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Dr. Maryama Mohamed Hussein ayaa ku amaantay Ururka Caafimaadka Aduunka ee WHO dadaalada ay la garab taagan yihiin xilli kasta bulshada soomaaliyeed oo kujirta xaalad soo kabasho ee dhinaca horumarka caafimaadka.

Ugu Dambayn Dr. Maryama Mohamed Hussein ayaa ku adkeysay in ay muhiim tahay in la helo qorsheyaal waxtar leh oo lagu xakameynayo cudurada aan la daryeelin si loo hubiyo in bulshada Soomaaliyeed ay helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh Waxay kaloo xustay in wada shaqaynta hay’adaha caalamiga ah uu kaalin weyn ka qaadan karo horumarinta caafimaadka dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ‘si sharci darro ah’ hub ugu dhex watay Muqdisho

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 11 askari...

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay isu soo bax dadweyne oo doorashada lagu taageerayo

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre...