Maxkamadda Sare ee Ciidamada oo xukunno kala duwan ku riday Todobo ruux oo loo heestay Dil

Date:

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sida, ayaa xukunno kala duwan kasoo saartay kiiska Eedeysanaal gaaraya Todobo, kuwaasi oo loo heysto dil, qal-qal gelin amin iyo ku takrifal dhul dowladeed.

Eedeysaneyaasha oo kala ah Dable Xoogga Mahdi Colaad Xiireey, Dable Xoogga Nuur Daahir Xersi, Dable xoogga Xasan Cabdulle Samatar Dable Xoogga Maxamed Khaliif Xuseen, Dable xoogga C/qani Cali Xaaji, Dable xoogga Nuur Cabdi Maxamed iyo Dable Xoogga Axmed Xasan Maxamed, ayaa racfaan kasoo qaatay Xukun ay horey ugu riday Maxkamadda darajada Koowaad ee Ciidamada.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiisaskan , fadhiyo kala duwan kadib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa xukun ka soo saartay Afartii Bishii Augost ee Sanadkaan, balse Xukunsaneyaasha ayaa racfaan ka qaatay xukunkii lagu riday.

Maxkamadda sare ee Ciidamadda QS oo aqbashay dalabkii racfaanka, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyaddoo ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.

1- Dable Xoogga Mahdi Colaad Xiireey iyo 2-Dable Xoogga Nuur Daahir Xersi ayey Maxkamadda sare ku xukuntay inay bixiyaan Boqol Halaad oo geel ah “Diyo Muqalado ah” ahna Magta Marxuum Cabdullaahi Maxamed Ibraahim iyo Min shan sano oo Xabsi Ciidan ah.

3- Dable Xoogga Xasan Cabdulle Samatar ayey maxkamadu ku xukuntay Todobo sano oo Xabsi Ciidan ah.

4- Dable Xoogga Maxamed Khaliif Xuseen 5- Dable Xoogga Cabdiqani Cali Xaaji 6- Dable Xoogga Nuur Cabdi Maxamed 7- Dable Xoogga Axmed Xasan Maxamed, ayey Maxkamadda sare ee Ciidamada QS ku xukuntay min seddex Sano oo Xabsi Ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Sareeye Guuto Liibaan Cali Yaroow Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Axmed Xuseen Cilmi,...

Taliyaha CXDS iyo Guddoomiyaha SoDMA oo ka wada hadlay cimilada iyo dib-u-xoreynta dalka

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Ceeldheer ku abaalmariyay Geesiyaasha Xoogga Dalka

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi...

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...