๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ก๐ข๐ซ๐ ๐ž๐ฅ๐ข๐ฌ๐š๐ฒ ๐‡๐š๐›๐ซ๐š๐š๐œ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐‹๐š๐ฒ๐ฅ๐ข ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐( ๐ข๐ง๐ญ๐ž๐ซ๐ง๐ฌ๐ก๐ข๐ฉ).

Date:

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya HE Dr. Ali Haji Adam ayaa shir guddoomiyey Kulan muhiim ah oo dhexmaray hogaanka kulliyadaha Culuumta Caafimaadka iyo Masโ€™uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, waxaana goobjoog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Dr Maryama Maxamed Xuseen iyo xubno kale oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka.

Kulanka oo ahaa mid muhim ah ayaa diiradda lagu saaray soo dhaweynta iyo horumarinta Barnaamijka Layliga Caafimaadka ee ay hormuudka ka tahay Wasaaradda Caafimaadka, si loo hubiyo tayada iyo waxtarka barnaamijkan.

Kulanka waxaa sidoo kale xoogga lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa Layliga Caafimaadka ee Ardayda dhameysatay waxbarashada Caafimaadka, iyada oo la xaqiijinayo in tayada barnaamijkan la waafajiyo heerarka caalamiga ah, waxaana lagu heshiiyay in la taageero oo la horumariyo barnaamijka Layliga, si Ardaydu u helaan tababar tayo leh oo dhammaystiran, sidoo kalena waxaa lagu balamay in wada tashiyada la joogteeyo si loo hubiyo in barnaamijku ku socdo sidii loogu talagalay, isla markaana la xalliyo caqabadaha jira.

Gabagabadii, kulankan ayaa kusoo idlaaday luul, iyada oo la isku afgartay in la xoojiyo wada shaqeynta ka dhaxaysa Jaamacadaha iyo Wasaaradda Caafimaadka, waxaana la isla qaatay in shirarka noocan oo kale ah la badiyo si loo sii wado horumarinta iyo tayeynta adeegyada Caafimaadka ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hayโ€™adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Hayโ€™adda IFC oo Martigeliyay Aqoon Isweydaarsi ku Saabsan Suuqa Isgaarsiinta

Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka(HIQ), iyadoo kaashaneysa Hayโ€™adda Maaliyadda Caalamiga ah...

Wasiirka Qorsheynta oo furay shirka Wadatashiga Qorshaha ee Isbeddelka Qaran 2025-2029

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka...

Duqa Muqdisho oo furay Madasha la tashiga Bulshada ee Maqaamka Caasimadda ย 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo baaq nabadeed u diray beelaha ku dagaallamaya qaar ka mid ah gobollada dalka

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS Mudane, Xamsa Cabdi Barre ayaa baaq...