Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay shirka Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo China

Date:

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daaโ€™uud Aweys Jaamac oo ka qeyb galay Shirka lixaad ee iskaashiga China iyo Afrika ee dhinaca Warbaahinta oo maanta ka furmay magaalada Beijing ee caasimadda dalka China ayaa ka jeediyay khudbad uu uga hadlay ahmiyadda iskaashiga Soomaaliya iyo China iyo Afrika iyo China.

Wasiirka ayaa ugu horreyn uga mahadceliyay dowladda China casuumaadda iyo soo dhaweynta wanaagsan oo ay u sameeyeen wafdigii uu hoggaaminayay Wasiirka ee shalay soo gaaray dalka China.

Wasiirka ayaa yiri โ€œWarbaahinta waxa ay lagama maarmaan u tahay dhismaha nabadda, horumarinta dowlad wanaagga, la tacaalidda isbeddelka cimillada iyo horumarka bulshada, casriyaynta iyo horumarka xowliga ah ee warbaahinta dunida waxa ay u baahan tahay iskaashi xooggan oo ay yeeshaan dowladaha, qabashada shirkan wuxuu muhiim u yahay xoojiynta wada shaqeynta iyo iskaashiga dowladaha Afrika iyo China, waana tusaale muujinaya ka goโ€™naanta dowladda China ee hagaagjinta xiriirka Qaaradda Afrikaโ€

Wasiirka Warfaafinta Mudane Daaโ€™uud Aweys, ayaa dowladda China ku amaanay sida ay u taageereen madax banaanida siyaasadeed iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya markii ay ku soo xad gudubtayย  dowladda Itoobiya oo la saxiixatay heshiis sharci darra ah gobol ka mid ah Soomaaliya.

Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay iskaashiga Soomaaliya iyo China ee dhinaca warbaahinta iyo guud ahaan Qaaradda Afrika.

โ€ Si gaar ah maadaama Soomaaliya oo soo koraysa, kuna jirto marxalad dib u xasilin dalkeeda iyo la dagaallanka argagaxisadda, ahmiyad gaar ah ayay innoo leedahay iskaashigan horumarinta warbaahintaโ€

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daaโ€™uud Aweys ayaa sidoo kulan doceedyo la qaatay madaxda heerka sare ee ka qeyb galay shirka Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo China oo ay kaย  mid tahay Wasiirka Warfaafinta China oo xubin sare ka ah Golaha Dhexe eeย  Xisbiga Hantiwadaagga ee dalka ka arrimiya Ms CAO Shumin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale