Madasha Horumarinta Soomaaliya oo laga ka furmatay Magaalada Muqdisho

Date:

Magaalada Muqdisho maanta oo Isniin ah waxaa ka furmay Madasha Horumarinta Soomaaliya, kaas oo ay ka qeybgalayaan, Raโ€™iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, wasiirro, xildhibaanno iyo aqoonyahanno isaga kala yimid gudaha iyo Dibadda.

Madashan oo sanadkaan looga hadlayo, kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya ee dayn cafinta kadib ayaa socon doono muddo labo cisho ah, waxaana soo qaban qaabiyay Machadka Heritage.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan oo ka hadlay madasha ayaa kuย  bogaadiyay Macahadka Heritage iyo Jaamacadda City dowrka weyn ay ku leeyihiin dowlad dhiska.

โ€œQaran jabkii waxaa ka dhaxalnay in Qarankii uu Qaaraamooway. Waxa aan ka dhaxalnay in aynu luminno mataaladdii iyo maamuuskii aynu lahayn.โ€ Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Bixi Iimaan Cige

โ€œWaxaa la soo jeedin doonaa 20 Cilmibaaris, hadafka laga leeyahay waa in la helo dadka aqoonta u leh dhaqaalaha in ay iswareystaan, si loogu gudbiyo goโ€™aan gaarayaasha dalka.โ€ Ayuu yiri Agaasimaha Machadka Heritage, Mudane Mursal Saney.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Guddoomiyaha Hayโ€™adda Culimada Soomaaliyeed oo isna ka hadlay madasha aya yiri โ€œWaa in aan ka faaโ€™ideysannaa fursadaha, masโ€™uuliyiinta waxa ay abuuraan fursadaha, ka culimo ahaan aad ayaan u xiiseeneynaa waxyaabaha nagu soo biirayaโ€.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale