Guddiga Garsoorka ee Golaha Shacabka BJFS oo kulan ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa

Date:

Guddiga Garsoorka,Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshay xafiiska Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa,waxaana shir guddoominayay guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Cali Xaaji Daahir.

Ajandaha Kulanka ee guddiga ayaa waxa uu ahaa ka shaqaynta shuruucda hortaala guddiga gaar ahaan akhrinta labaad ee sharciga kaalmo sharciyeedka federaalka soomaaliyeed,waxaana goobjoog ahaa sharci yaqaano ka socday wasaaradda cadaaladda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya,kuwaas oo guddiga kala shaqeynaya talo siinta iyo turxaan bixinta sharcigan.

Ugu dambeyn guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Cali Xaaji Daahir oo kulanka soo xiray ayaa u mahadceliyay xubnaha guddiga iyo sharci yaqaanadda ,waxa uuna sheegay in sharcigan la horgeyn doono kulanka guud ee golaha shacabka si loo marsiiyo habraaca u dhiman.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Boliiska oo xariga ka jaray Dhismaha Dugsiga Qur’aanka Kariimka ee Gabdhaha Agoonta Boliiska

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada oo kormeer ku tagay goobaha laga qaadanayo kaarka codbixinta

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Hey’adda UNDP kala wareegay gaadiid loogu talagalay hay’adaha amniga

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shacabka Caasimadda ugu baaqay inay qaataan kaarka codbixinta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan...