Wasiirka Waxbarashada oo Guddoomiyay shir gaar ah oo yeesheen guddiga gurmad qaran

Date:

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada XFS Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa xalay Guddoomiyay shir ay yeesheen guddiga gurmad qaran, kaas oo ka dhacay Xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiiboyinka.

kulankaan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS Dr Cali Xaaji, Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisulwasaaraha Xirsi Gaani , Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Maxamuud Macallin Cabdulle,iyo qeybaha kala duwan ee bulshada .

Shirkaan ayaa looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa qasaaraha guud xasuuqii khawaarijta ka geysatay Xeebta Liido, si guud dadka ay dhaawacyada soo gaareen ee ku kala jira isbitaallada kala duwan ee caasimada, waxyaabaha kale ee kulankaan looga hadlay waxaa kamid ah in dhaawacyada kuwooda daran dalka dibaddiisa loo qaado iyo in loo bandhigo dadka Soomaaliyeed gaar ahaan Ganacsatada si ay u caawin lahaayeen ehelada dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ee isbitaalada yaalla.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...