Ra’iisul Wasaare Xamse oo kormeeray Ciidanka Danab ee Jubbaland ka howlgala

Date:

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho dhiirigelin iyo bogaadin ah ugu tagay ciidamada kumaandooska Danab ee ka howlgala Jubbaland, kuwaas oo kaalin muhiim ah ka qaadanaya dagaalka ka socda gobolka ee lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyay ciidamada Danab sida ay naftooda ugu hureen difaaca dalka, waxuuna ballan qaaday in dowladdu ay sii wadi doonto taageerada joogtada ah ee ay siiso ciidamada, si ay u helaan qalab iyo tababar casri ah oo ka caawinaya howlgalladooda.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga iyo wadajirka u dhexeeya ciidamada kumaandooska Danab iyo kuwa Jubbaland, si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta oo ka hanaqaada guud ahaan gobollada Jubbaland.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ku celceliyay ahmiyadda ay leedahay in dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ay ku midoobaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada, si loo gaaro Soomaaliya nabad iyo barwaaqo ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa booqashada ku wehelinayey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...