Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe (Madoobe) oo ay wehliso Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa shir guddoomiyay kulanka lixaad ee Guddiga Joogtada ah oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xubnaha guddiga faahfaahin ka siiyay shaqadii uu Goluhu qabtay todobaadkii lasoo dhaafay oo ay ka mid ahayd doodii la xiriirtay hubka sharci darada ah, dagaal beeleedyada iyo dhowrista xasaanadda xildhibaanadda iyo ansixintii Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Xuquuqda Naafada Qaranka Soomaaliyeed oo ay shalay xildhibaanadda ansixiyeen.

Dhinaca kale guddiga ayaa warbixin ka dhageystay guddiyada Horumarinta Adeegga Bulshada iyo Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Golaha shacabka, waxaana ay ka warbixiyeen kulamo su’aalo weydiin iyo isla xisaabtan ah oo ay la qaateen wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo sidoo kale Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.

Sidoo kale xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa isla falanqeeyay ajendayaasha kulamada guud ee Golaha todobaadka soo socda kuwooda horutabinta leh, waxaana Guddoomiyaha Golaha shacabka oo kulanka soo xiray uu bogaadiyay howsha adag ee xildhibaanadda Baarlamaanka 11-aad u hayaan dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...