Madaxweynaha JFS oo abaalmarinno siiyay Askartii ka shaqeynaysay Imtixaanka shahaadiga ahaa

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hambalyo iyo bagoodin u jeediyay,Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Sida ay iskugu howshay hormarinta waxbarshad.

” Sida ay deeganno cusub sanadkaan ugu hirshay inay ka qeybgalaan Imtixaanka,Ayaan kuwa harsan ee cadowga gacanta ku hayaan uga saaridoonaa, si ardayda Soomaaliyeed u wada helaan waxbarasho isku mid ah”.

Heer kasto oo aan maanta ku tillaabsanay dal iyo dibadba,Waxaa hormuud u ah amniga,In arday Soomaaliyeed oo 3,000kun kabad Imtixaanka galaan,Wasaarada Waxbarashada kaliya kama shaqeyn,Ee Hay’adda dowladda oo iskaashaday ku timid.

Dal waxa uu ku dhismaa sidiisaba iskaashi, waana waddada saxdaa oo ay dowladi ku hormari karto, ummad kalene kula tartami karto,Waana wadada saxdaa aan qaadnay hadda.Inta yar ee inooga harsan,Guulaha waxaan rajaynaynaa inaan sidaan iskula shaqayno.

Runtii Wasaaradda Waxbarashada Sanadba sanadka ka dambeeyo,waxa ay ku talaabsanaysaa hormin mug-iyo misaan leh ayay ku talaabsatay Waxbarashada waxaa loo yeelay tayo,Wadan inow hormaraayo waxaa lagu oggadaa akhoonyahanada usoo baxaayo dalkaas inaad eegto,Anage waa ay muuqataa,Inaan isbadal sameynay oo dhanka Tacliinta ah.Shacabka Soomaaliyeed waa inay ku kalsoonadaan, Dowladooda iyo madaxda ay u idmadeen dowladnimada, Inaan iskaashano ayaan guul ku gaari karnaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...