Dagaaladii ka dhacay Dagmada Luuq oo laga soo saaray Qodobo xal loogu helaayo colaada

Date:

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Faderaalka iyo maamulka Jubbalanad oo maalmahaan ku sugnaa Degmada Luuq, ayaa soo saaray war-saxaafadeed ku saabsanaa xal u helidda colaadihii sokeeye ee dhexmaray bulshada ku dhaqan degmadaasi.

War saxaafadeedkaan, ayaa dhigaya in loo hoggaansamo xabad joojin shuruud la’aan ah iyo in la badbaadiyo hantida shacabkii barakacay,in laga wada qeybqaato nabadda , in dadku ay ku soo laabtaan guryahooda iyo in loo diyaargaroobo wadaxaajood ay ka qeybgalaan dhinacyadii ku dagaalamay halaasi

Wafdigii ka qeybgalay heshiisiinta bulshada ku sugan Degmada Luuq waxaa kamid ahaa Wasiir Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Xukuumaadda Federaalka Mudane Axmed Cumar Maxamed iyo Madaxweyne Ku-xigeenka 1-aad ee Maamulka Jubbaland.

Heshiiska nabadeed ee la dhexdhigay dadka walaalaha ah ee ku dhaqan Degmada Luuq waxaa kaloo ka qeybgalay maamulka Degmada Luuq, Saraakiisha Ciidamada,Odayaal dhaqameedyo iyo wax garad kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Maalgelinta Caafimaadka Soomaaliya oo ka furmay magaalada Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiir-dawlihii hore ee Wasaaradda Amniga oo bogaadiyey guulaha laga gaaray sugidda amniga caasimadda

Wasiir-dawlihii hore ee Wasaaradda Amniga, Mudane Farxaan Cali Axmed,...

25-carruur Soomaaliyeed oo adeeg caafimaad oo muhiim ah ka helay Talyaaniga

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda JFS, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji,...

Wasiir Daa’uud Aweys” Xukuumadda DanQaran waxay ahmiyad gaar siisay horumarinta Dalxiiska Dalka”

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Daa’uud Aweys...