Madaxweynaha JFS oo kullan la qaatay Madaxda Gaashaandhigga iyo Taliska Xoogga Dalka 

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka kulammo kula qaatay Hoggaanka Wasaaradda iyo Ciidanka Xoogga.

Saraakiisha, ayaa la wadaagay Madaxweynaha warbixinidii ugu danbeeyey ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan xoreynta deegaanno ka tirsan Jubbaland oo lagu guuleystay, waxa ayna soo bandhigeen sida ay uga go’an tahay Ciidamada Qalabka Sida in ay sii wadaan halganka dalka looga xoreynayo argagixisada.

Ciidanka xoogga ayaa howlgallo ay shakay ka fuliyeen,Jubbaland ku burburiyay goobo ay ku dhuumaalaysan jireen argagixisada,Waxa ayna kula wareegeen halkaas ,Saanad ciidan iyo Deegaano ay Khawaarijtu joogi jireen.Dadka deeganka iyo ciidamada kala duwan ee Dowladda ayaa wado Sifeynta haraadiga Khawaarijta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...