Cali Cabdi Maxamed (Cali shiine) Oo kormeeray Garoonka Kubadda Cagta Cabdullaahi Ciise 

Date:

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda Cayaaraha Galmudug Cabdiwahaab Sheekh Abuukar Nuur oo ay wehliyeen, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradaasi Cabdiraxmaan Maxamed Axmed, Guddoomiyaha Xariirka kubadda Cagta Soomaaliyeed Cali Cabdi Maxamed (Cali shiine) Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Galmudug, Guddoomiye Ku-xigeenka Dagmada Gaalkacyo Maxamed Cabdi Cilmi iyo xubno ka mida bahda Isboortiga Gobalka mudug oo si wada jir ah u kormeeray Garoonka kubadda Cagta Cabdullaahi Ciise.

Mas’uuliyiinta Kormeerka ku tagay Garoonka, ayaa intii ay ku guda jireen kormeerka waxa warbixin guud ka siiyay xaalada garoonka iyo baahida loo qabo Guddoomiye ku-xigeenka dagmada Gaalkacyo injineer Maxamed Cabdi Cilmi, ” Ciyaaraha waa jimicsi,Marne waxa ay qeyb ka yihiin caafimaadka qofka,Garoonkaan waxa uu ka mid ahaan meelaha,Ay iskugu immaan jireen kummaan dhallinyaro ah,Halkaas waxaa ka dhallan jiray is dhaxgal bulsho”.

Guddoomiyaha kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa inta uu joogo Gaalkacyo,waxaa qorshahiisa ka mid ah inow dhiso Garoonka Kubadda Cagta Cabdullaahi Ciise.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...